Saddex arrimood ka ogoow shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka furmaya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afar kamid ah hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa caawa ku hooyanaya magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Madaxwayneyaasha Axmed Maxamed Islaam, Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Xuseen Guudlaawe ayaa siyaabo kala duwan waxaa maanta u soo dhaweeyay wasiiiro ka tirsan xukuumadda.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa kaliya maanta kasoo dagin Muqdisho.

Shirka Wadatashiga Qaranka oo qorshuhu yahay in uu Axada berri ah ka furmo Muqdisho waxaa ka qeyb gali doona dhamaan madaxda dalka oo Gudoomiyaha cusub ee gobalka kamidka yahay.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hormuud u ah qabanqaabadda shirkan ayaa shaaca ka dhigtey in kulankan diiradda lagu saari doono arrimaha hortabinta u leh waddanka.

Wasiirka wasaaraddan, Axmed Macalin Fiqi oo madax u ah guddiga soo dhaweynta madaxwayneyaasha ee xukuumadda u xilsaartey, ayaa caddeeyay “in dadka Soomaaliyeed indhaha kuwada haayaan shirkan”.

Ajandaha “ugu weyn” ee shirkan

Isaga oo madaarka Aadan Cadde ugu waramaya saxaafada kadib markii uu soo gaarey Muqdisho, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa tibaaxay in “ajandaha ugu weyn” ee shirkan uu yahay ammaanka.

“Taag-taag badan ma jiro,” ayuu raaciyey isaga oo u muuqda mid meesha ka saaraya kala aragti-duwanaanshiyo ka dhex-taagan madaxda Soomaalida gaar ahaan qodobada xasaasiga ah ee hogaaminta dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulankan lagu soo hadal-qaadi doono khilaafka ka taagan qaabka loo maareynayo deeq dhan $100 milyan doollar oo Bangiga Aduunka ugu talagalay kabka miisaaniyadda qaranka.

Wasiiradda Maaliyadda heer federaal iyo maamul goboleedyadda ayaa ku fashilmay in ay xal uga gaaraan kulan saddex maalmood qaatay oo ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warqaad Online oo soo xiganaya illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa fahansan in madaxwayneyaasha maamuladda iyo dowladda federaalka ay qadiyadan ku lafaguri doonan shirka wadatashiga qaranka.

Rabitaanka kulanka ee Villa Soomaaliya

Shirka Wadatashiga Qaranka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo bishii hore ee August. Hase ahaatee, sababo aan illaa haatan wax fahfaahin ah laga bixin ayaa sababtay in uu dib-u-dhac ku yimaado.

Hal illo wareed ayaa rumeysan in ay baajisay safaradda dibadda ee Xasan Sheekh. Saddex kalana oo si dhow ula socdey kulankan waxay sheegeen in ay baajiyeen “dildilaac” ka dhashay magacaabida xukuumadda.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu ololeysay in uusan mar kale baaqan kulankan maadaama Xasan Sheekh uu raadinayo “sawir guud” oo uu la tago shirka loo-dhan-yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

“Sawirkaas guud ayaa ka caawinaya madaxweynaha in uu sharaxaad u helo hal-ku-dhiga uu ololaha ku galay ee ah “Soomaali heshiis ah dunidaha heshiis la ah,” ayuu yiri mid kamid ah dadka la socda siyaasada Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale wuxuu fure u noqon karaan wadashaqeyn dhow oo madaxda Soomaalida yeeshaan mustaqbalka – fashil iyo guul – mid kasta oo ku yimaadana waxaa cawaaqib ku muteysaneysa Soomaaliya oo qura.