Saddex arrimood oo ku saabsan khilaafka NISA iyo Wasaarada Amniga ee garoonka Aadan Cadde

Tan iyo markii uu horaantii bishan Wasiirka Amniga Soomaaliya ku amray taliska hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inay ciidamadooda ka saaraan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, waxaa soo baxayay su’aalo la iska weydiinayo arrimahaas.

Hadal-heynta shacabka ayaa u badneyd saameynta ay NISA ku leeyihiin garoonka iyo waxa ay yihiin shaqooyinka ay ka hayaan.

Marka laga yimaado eedeymaha farogalinta siyaasadda ee sida joogtada ah loogu jeediyo NISA, waxa inta badan la isku raacsanyahay in ay hayaan hawlo sugista amniga ah oo muhiim u ah goobaha waaweyn ee dowladda, sida Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan.

Waxaan eegi doonnaa saddex qodob oo sharraxaad ka bixinaya su’aalaha ugu waaweyn ee ku gadaaman hay’adda NISA iyo garoonka Aadan Cabdulle.

1- Xafiiska NISA ee garoonka

Sida caadiga ah, safar hay’adood oo aysan ku jirin sirdoonka ayaa shaqo ku leh arrimaha ugu waaweyn ee ku saabsan garoonka diyaaradaha, kuwaasoo kala ah:

  • Hay’adda Duulista Hawada
  • Laanta socdaalka
  • Booliska
  • Laanta Canshuuraha

Muddo dhowr sano ahba amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho waxa uu ku tiirsanaa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, taas oo dabcan la xiriirta duruufaha amniga u gaarka ah ee Soomaaliya oo u baahan wax ka badan hawlaha caadiga ah ee booliiska.

NISA ayaa xafiis ku leh garoonka gudihiisa, kaasoo ujeeddadiisu ay markii ugu horreysay ahayd in loo adeegsado howlaha amniga ee ay halkaas ka waddo hay’addu, sida uu qabo Xuseen Macalin oo mar ahaa la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.

Hase yeeshee, warar soo baxay ayaa sheegayay in saameynta NISA ee garoonka ay noqotay mid ka taloowsan howlaha amniga. Arrimahaas ayaa la rumeysan yahay inay ugu dambeyn sabab u noqdeen go’aankii uu wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu amray taliyaha NISA, Yaasiin Cabdullaahi Fareey, inuu ciidamada NISA gebi ahaanba ka saaro garoonka.

Wasiirka ayaa markii dambe sheegay in amarkaas uusan khuseynin ciidanka hay’adda nabad sugidda ka tirsan ee ilaaliya baraha koontaroolka ee laga galo garoonka.

Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la taliyihii hore ee dhinaca amniga u qaabilsanaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in aysan khasab ahayn joogitaanka NISA ee garoonka, amnigiisana ay tahay shaqada booliska balse xafiiskooda uu ahaan karo mid ku yaalla meesha oo qaabilsan shaqooyinkii u cayinnaa sirdoonka.

“NISA xafiis way ku leeyihiin garoonka, xitaa haddii ay xilka wareejiyaan xafiis ku lahaanshuhu waa wax meesha ku jiri kara. Waa sax in booliska oo shaqada ku jira ay iyaguna kaabe u ahaadaan oo ay ka caawiyaan wixii xog ah oo ay hayaan,” ayuu yiri.

2- Goob gaar ah oo ay ka baxaan madaxda NISA iyo dadka ay iyada ka warhayso

Dhowr sanoba waxaa jiray warar la isla dhex maro oo sheegayay in NISA ay garoonka diyaaradaha ku leeyihiin Terminal ama qayb isticmaal oo iyaga gaar ah, cid kalena aysan u adeegsanin soo gelitaanka iyo bixitaanka.

Balse la taliyihii hore ee amniga u qaabilsanaa madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin waxyaabo si rasmi ah looga warhayo oo ku saabsan arrintaas.

“Waan aragnay Terminal dhisan laakiin qaabka ay ugu shaqeeyaan waa wax aan wali rasmi ahayn oo hacabka lala wadaagin, haddii ay jirtana wax sax ah ma aha,” ayuu yiri.

3- Maxay tahay danta ugu jirta NISA inay garoonka joogaan?

Xuseen ayaa sheegay xilli horeba uu qorshuhu ahaa sidii ciidanka booliska loogu wareejin lahaa amniga garoonka.

“Mar walba in laga maarmo ayay ahayd. Xilligii aan anigu shaqeynayay waxaan u arkayay sababta ay weli u joogeen inay ahayd go’aan ku xirnaa madaxda NISA oo diidayay inay gacantooda ka bixiyaan awood ay heysteen.”

Waxa uu carrabka ku dhuftay waxyaabaha ugu muhiimsan ee keeni kara in NISA ay aad u daneyso gacan ku heynta maamulka garoonka Aadan Cabdulle.

“Garoonkan waa meesha ugu xasaasisan ee dalku uu leeyahay. Waxa uu xarun u yahay safaaradihii ajaanibta oo dhan, waxa uu xarun u yahay saldhigga AMISOM, waa meesha dalka laga soo galo oo diyaaradaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ay imaadaan.

“Waa meel doorashooyinkii lagu qabanayo oo ilaa madaxweyneyaasha lagu doorto, waa meel dadka siyaasadda isdiiddan kala aaminsan ay ka dhoofaan kana soo dagaan, oo la rabo in lagu caburiyo ama lagu fududeysto.

“Waa meel haddii aad yeelato awood aan xad lahayn aad soo degsan karto waxa aad rabto, haddey noqon lahayd waxyaabo sharci darro ah ama lacagaha doorashooyinka iyo wax walba,” ayuu yiri Xuseen Macallin Maxamuud.

Aragtiyo kala duwan ayaa la hadal hayaa oo ku saabsan danta ay NISA u joogto garoonka, dadka qaarna waxayba farta ku fiiqayaan in ay jiraan sababo siyaasadeed.

Bishii July ee sanadkii 2021-kii, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa agaasimihii shaqaalaha NISA kadib markii siyaasiyiin ay sheegeen in laga celiyay in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, waxana dadkaasi ka mid ah Cusmaan Nuur Macalimu oo mar ah guddoomiyaha gobolka Gedo.

Waxaa jiray warar ka hadlayay in garoonka la dhigay liis dad aanan la doonaynin in ay ka dhoofaan garoonka sababo siyaasadeed awgeed.

BBC