Saddex arrin oo sabab u ah dagaalka Rooble iyo Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa banaanka yimid khilaaf culus oo u dhaxeeya Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo kaa oo la xiriira awooda hay’adaha dowladda.

Farmaajo ayaa amar uu soon saaray waxa uu ku hakiyay in hay’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Rooble ayaa wareegtadaas gaashaanka u daruuray isagoo ka soo saaray war saxaafadeed kulul waxaana uu xusay in shaqada ay u taalo isaga iyo golihiisa wasiirada

Hadaba Saddexdan Qodob ayaa saldhig u ah khilaafka:

1: Farmaajo raali kama ahan soo celinta xeriirka Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Farmaajo ayaa dowladda Kenya waxa uu kal hore ka dalabday iney taageerto dib u doorashadiisa islamarkana ay joojiso wadashaqeynta kala dhaxeya Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe.

Uhuru Kenyatta oo Farmaajo kula kulmay Nairobi ayaa u sheegay Farmaajo inuusan taageeri Karin islamarkaana uu waqtigiisa dhamaaday isagoo xusay hadii uu la shaqeynayo ay tahay inuu ka tanaasulo dacwadda Badda ee ICJ go’aankeeda laga sugayo.

2: Jaadka Kenya

Farmaajo raali kama ahan inuu Rooble u fasaxo Soomaaliya diyaaradaha khaadka ama jaadka sababtoo ah walalkiis Xasan ayaa heshiis la galay ganacsato Itoobiyaan ah kuwaa oo jaadka keena Soomaliya maalintiina afar diyaarad ayaa dalka timaada, waxana arrintaan faa;ido ku qaba Villa Soomaaliya oo rabta in lacagta qaadkaas loogu ololeeyo madaxweynaha.

3: Rooble oo qorshe wata

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa doonaya inuu iska yareeyo saameynta uu ku yeelan karo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday isagoo dhagaha ka fureystay baaqyo kala duwan oo Farmajo uga yimid.

Rooble ayaa London kula kulmay Uhuru Kenyatta waxaana sidooo kale RW Rooble uu buuqan doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.