MUQDISHO-AYAAMAHA-Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi..
Seddexda xubnood ee is casilay ayaa kala ah:
1) Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood.
2) Kaltuun Sheekh Xasan
3) Cabdixakiim Siciid Dalmar.
Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.
Tani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.