Saddex Kamid Ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee QM Oo La Dilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saddex ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana la sheegay inay dilkaasi ka dambeeyaan  dagaalyahanno aan weli la aqoonsan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyada oo waddanku isu diyaarinayo doorasho guud isla markaana ay dagaallada u socdaan mucaaradka iyo ciidamada dawladda uu dilkaasi dhacay.

“Saddex ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi ayaa la dilay, laba kalena waa la dhaawacay” ka dib markii weerarro lagu qaaday ciidamada Qaramada Midoobay iyo kuwa difaaca qaranka iyo kuwa amniga ee Bartamaha Afrika, ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Qaramada Midoobay

Weerarradan ayaa ka kala dhacay Dekoa, bartamaha Gobolka Kemo, iyo Bakouma, oo ku taal koonfurta Mbomou ayaa lagu yiri warka kasoo baxay qaramada Midoobay.

Afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, wuxuu si xoogan u cambaareeyay dhacdadii ugu dambeysay ee ciidamada lagu dilay, wuxuuna ugu baaqay maamulka inay baaraan weerarkaasi foosha xun.