Saddex qodob oo ku saabsan muranka ka taagan safarrada Xajka ee Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa isasoo taraya khilaafka u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Diinta ee Soomaaliya iyo shirkadaha bixiya adeegyada duullimaadka, iyagoo isku afgaran la’ sida loo maaraynayo safarrada xajka ee Soomaalida baxaysa sanadkan.

Murankan ayaa kusoo aaday xilli dowladda Sacuudiga ay oggolaatay in sanadkan ay soo xajiyaan hal milyan oo qof halkii ay horay tiradu u gaari jirtay qiyaastii saddex milyan.

Soomaaliya ayaa loo oggolaaday inay kasoo xajiyaan ilaa 5,000 oo qof kaliya.

Balse khilaafka ka jira dhanka Soomaaliya ayaa salka ku haya cidda qaadaysa mas’uuliyadda fulinta adeegyada dadka loo qaadayo xajka.

Waxaan eegaynaa saddex qodob oo koobaya arrimaha la isku hayo.

1- Tartan

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Rooble, ayaa BBC-da u sheegay in 63 shirkadood loo xil saaray in ay sanadkan qaadaan xujayda Soomaaliya, una fuliyaan adeegyada muhiimka ah, si gudashada acmaasha xajka loogu fududeeyo dadka.

Dhammaan shirkadahaas ayuu wasiirku sheegay in lagu samayn doono dabagal lagu xaqiijinayo sida ay howshooda u gudanayaan.

“Dowlad walba tiradii usoo xajisay sanadkii ugu dambeeyay inta aan xajka la xirirn ayaa laga siiyay 45%. Tiradaas yar ee nala siiyay waxaan rajaynaynaa in loogu adeegi doono si qurux badan,” ayuu yiri wasiirka.

“Shuruudo adag oo runtii maslaxada xaajiga ka turjumaya ayaan u dejinay shirkadaha, maadaama annagu aan wakiil ka nahay xaajiga Soomaaliga ah, waajib na saaranna ay tahay khidmadiisu. Qof walba oo xaaji ah oo halkan u imaada inuu cibaadadiisa guto waxay howshu ugu dhammaan doontaa sida uu asagu rabo,” ayuu sii raaciyay.

Xajka

63-ka shirkadood ayay dowladdu sheegtay in ay ku soo baxeen tartan loogu loollamayay la wareegista mas’uuliyaddaas.

Sababta loo yareeyay tiradana waxa uu wasiirka Awqaafta ku tilmaamay in ay tahay tirada xujayda oo yar iyo wasaaradda oo ay dhib ku noqonayso inay dagabal ku sameeyaan shirkadaha ahddii ay bataan.

2- “Shirkadaha waawayn”

Hase yeeshee hoggaanka midowga shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in tartankaas “aan loo marin waddo sax ah”.

Guddoomiyaha ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha, Xasan Xaashi, ayaa BBC-da u sheegay in ay cabasho wayn ka qabaan qaabka wax loo qoondeeyay.

“Waan aragnay shirkado la yiri waa guulaystayaal, oo la sheegay inay xajkii ku guulaysteen. Shirkadahaas waa Travel Agency-yo, laakiin shirkadihii ka waawaynaa, oo diyaaradihii 30-ka sano soo shaqaynayay ay ugu waawayn yihiin iyo xamlooyinkii xujayda hoggaamin jiray intoodaba kuma aannaan arkin liiska,” ayuu yiri Xasan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee uu madaxda u yahay ay isu diyaariyeen xajka balse aan la siinin wax fursad ah, oo “aan la xusin laguna soo darin liiska”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaase BBC-da u sheegay in la galay tartan hufan oo cid walba u furnaa, qofkii xaq u yeeshayna uu ku guulaystay.

“Guddi ayay wasaaraddu magacowday, waxaana guddigaas u diyaarsanaa shuruucdii iyo shuruudihii lagu kala saari lahaa, shirkadihii kasoo baxay shuruudahaas ayaana la soo saaray, wixii shuruudaha ku harayna wayba hareen. Waxaa soo dalbaday shirakado ka badan saddex boqol, waana la ogyahay in tirada shirkadahaas iyo tirada dadka oo 5,000 ah aysan isu dhigmin.

Waxaase uu guddoomiyaha shirkadaha diyaaradaha sheegay in dhankooda aysan aaminsanayn in ciddii mudnayd la siiyay fursadda, sabab ay ku mudnaayeenna aan loo sharrixin.

3- Tallaabada xigta

Arrimaha ku saabsan khilaafkan oo yimid xilli waqtigii xajka uu soo dhawaaday ayaa hadda u sii gudbay mas’uuliyiinta kale ee dowladda federaalka.

“Qof meel iska leh oo ku takrifali kara ma jiro. Dalku wuxuu leeyahay dowlad, marna annagu cabashadeenna waxaan gaarsiinnay madaxda qaranka oo aan farriinteenna u gudbinnay,” ayuu yiri Xasan Xaashi.

Ma cadda sida ay ku biyo shuban karto xaaladdan, xilli hadda uu wasiirka Awqaafta ku sugan yahay dalka Sacuudiga.

Waxyaabaha kale ee xajka sanadkan ay Soomaalida ka cabanayaan waxaa ka mid ah qiimaha oo sare u kacay.