Saddex sabab oo dhaliyay fashilka inqilaabkii Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saacad ka hor aadaanka salaadda subax ee xilliga Muqdisho 27-kii Disembar 2021, waxaa Madaxtooyada Soomaaliya oo aan laga seexan ka socday qorshe shaqo ka joojin iyo eryid Ra’iisal Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Isla waqtigaas waxaa baraha bulshada ee Madaxtooyada lagu shaaciyey go’aankii uu Maxamed C/llaahi Farmaajo shaqada uga joojiyey Ra’iisal wasaaraha, isagoo sabab uga dhigay baaritaan lagu hayo boob dhul lagu soo eedeeyay iyo inuu ku fashilmay qabashada Doorashadii loo xilsaaray.

Inkastoo Wareegtada aysan wadan sharciyad oo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday iyo mid sharci ahba aanu xil ka joojin karin Ra’iisal wasaaraha, haddana Farmaajo iyo kooxddiisa waxay qorsheeyeen inay adeegsadaan awood ciidan si ay u fuliyaan go’aankaasi halista badan.

Subaxnimadii Isniinta waxaa lagu waabariistay xaalad milateri oo ka taagan Madaxtooyada, waxaana ciidamada ilaalada ee Koofiyad Casta ay galeen xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyagoo kasoo saaray shaqaale kooban oo ku jiray, kadibna waxaa bilowday fulintii qorshaha shaqo ka joojinta Rooble iyo inqilaabkii.

Rooble oo degan guri ku dhow Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyey xaaladda ka jirta xafiiskiisa iyo ciidamada la wareagay, kadibna wuxuu la hadlay taliyeyaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska si ay xaaladda u qiimeeyeen.

Taliyaha Milateriga Odowaa Yuusuf Raage oo Madaxtooyada gaaray ayaa loo diiday inuu ilaaladiisa la galo madaxtooyada, waxayna ciidamadii Koofiyad Casta ula dhaqmeen si aanu fileyn, markii gudaha loo ogolaaday isgoo keligiis ahnam wuxuu Xafiiskiisa u tegay Maxamed Farmaajo.

Gen. Odowaa iyo Farmaajo waxaa dhex maray wadahadal ku saabsan xaaladda ka jirta Madaxtooyada, wuxuuna Farmaajo u caddeeyay in Rooble shaqada laga joojiyey, isla markaana aanu soo geli karin xarunta Madaxtooyada. Odowaa ayaa Odayga u sheegay xaaladda ciidamada uu amarka siiyay iyo inaanu isku halleyn karin, tallaabadaasina halis keeni karto.

Rooble awuxuu ku adkeystay inuu tegayo xafiiskiisa, waxay xaaladu gaartay beesha calaamka iyo AMISOM oo xiriir la sameeyay Farmaajo iyo Rooble. AMISOM ayaa soo dirtay ciidamo lagu xoojinayo amniga Ra’iisal wasaaraha oo halis looga baqay inuu dhex galo.

Taliyaha Booliska, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku biiray taliyaha Milateriga oo u tegay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku adkeystay inuu tegayo xafiiskiisa, taasoo keentay inay soo garab galaan oo lug ku galaan Madaxtooyada.

Ciidamadii ilaalada Ra’iisal wasaaraha qeyb ka mida ayaa ku hor martay xafiiskiisa, mana jirin wax iska hor imaad ah oo uga yimid ciidamadii Farmaajo ka amar qaadanayey. Ilaaladii Rooble ayaa si degdega ula wareegay xafiiska, waxayna dhufeys ka sameysteen dusha sare ee xafiiskiisa oo ay la fuuleen qoryaha Boobayaalsha culus, halkaas oo ay ka dhalatay halis ku foorarta xafiiska Farmaajo oo wax yar u jira.

Ciidamadii Madaxtooyada ee amarka lagu siiyay inay Ra’iisal wasaaraha ka celiyaan xarunta madaxtooyada ayaa intooda badan ka hor yimid amarkii Farmaajo, waxaana daqiiqo kadib yimid Ra’iisal wasaaraha Rooble oo ay la socdaan ilaaladiisa, ciidamada AMISOM, Ra’iisal wasaare ku xigeenka, iyo taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Milateriga.

Uma suuragelin ciidamadii Farmaajo ee kala qeybsamay inay hor joogsadaan Ra’iisal wasaaraha, waxaana uu si toos ah u tegay xafiiskiisa, halkaasoo muddo kadib uu muuqaal kasoo duubay. Rooble wuxuu ku dhawaaqay inuu fashilmay inqilaabka ee ku kacay Farmaajo, isagoo ugu yeeray Madaxweynihii hore, xafiiskana ka dejiyey sawirkiisa.

Waxaa Duhurnimadii halkaas kusoo gabagaboobay Qorshihii labaad e Farmaajo ku damacsanaa inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisal wasaare Rooble, kana xiro Madaxtooyada.

Dhinaca kale ciidamadii Madaxtooyada ee qeybta ka ahaa Inqilaabka dhicisoobay waxay ka hor istaageen inay Madaxtooyada galaan wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga oo saaxiibo dhow la ah Ra’iisal wasaaraha, taasoo keentay in jidka SYL ay xiraan ciidamo uu watay Wasiirka Amniga.

Fashilka ugu weyn ee ku dhacay qorshihii Farmaajo ku doonayay inuu ku maquuniyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaa sabab u ahaa saddex arrimood oo kala ah:

1- Ciidamadii fulin lahaa oo amarkii fulin waayey intooda badan iyo taliyeyaashii Milateriga iyo Booliska oo dhexdhexaad ka noqday xaaladda u dhaxeysa Farmaajo iyo Rooble.

2- Rooble oo ku adkeystay inuu tegayo Xafiiskiisa, wax kasta oo ay ku qaadato, si geesinimo lehna ugu bareeyay halistii ciidamada uu diyaariyay Farmaajo.

3- Iyo Beesha Caalamka/AMISOM oo taageeray Ra’iisal wasaaraha, una digay Farmaajo.

Fashilka qorshihii xil ka joojinta Rooble kadib, Farmaajo iyo kooxdiisa waxay bilaabeen inay beeniyaan wixii ka dhacay Villa Somaliya iy isku daygii awood ku maquuninta xukuumadda; waxayse weli ku dhegan yihiin oo u soo haray in Rooble yahay eedeysane.

27-kii Disembar 2021 wixii ka dambeeyay waxaa dhacay isbedel weji cusub u yeelay madaxtooyada Soomaaliya. Dagaalkii siyaasadeed iyo midkii milateri ee Farmaajo uu Soomaaliya ka waday muddo 5 sano ah wuxuu ugu danbeyn keenay meel u jirta 100 Mitir iyo Villa Somaliya dhexdeeda, mana muuqato sida uu xaaladaas uga badbaadi doono.

Waxaa qoray Goobjooge