Safaaradda Mareyanka ee Muqdisho oo war kasoo saartay jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safaaradda Mareyanka ee Muqdisho ayaa  boggeeda Twitter-ka ku sheegaty inay  taageertay jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee ku saabsan dhameystirka Xildhibaannada iyo dhaarintooda.

Qoraalka Safaaradda oo aad u koobnaa ayaa waxa lagu yiri” Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon”.

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa sicad uga soo horjeestay Jadwalkii ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyaga oo sheegay in uu yahay mid sharci darro ah.