Safaaradda Soomaaliya Ee Magaalada Nairobi Oo War Culus Kasoo Baxay!

NAIROBI-AYAAMAHA-Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay halkaas ay joojisay dhamaan Shaqooyinkii ay qaban jirtay.

 Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isu diyaarineysa in albaabada loo xiro gebi ahaanba, waxeyna joojisay dhammaan adeegyadii ay u heysay dadka Soomaaliyeed ee dalkaas dariska ah ku sugan.

Qoraal Ogeeysiis ah oo Maanta kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la fulinayo go’aanka dowladda la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay.

“ Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah, howlaha safaaradda & adeegyadii ay qaban jirtay waa la hakiyay ayaa lagu yiri” Qoraalka Safaaradda.

Kenya waxaa ku nool Soomaali fara badan oo deegaan ka dhigay ama ganacsiyo ku leh, aad ayeyna u saameyn doontaa maadaama marin muhiim ah ay bulshada Soomaalida u aheyd halkaas.

Dadka Soomaalida ee ku nool Kenya ayaan heli doonin adeegyadii ay ka heli jireen xafiiska safaaradda Soomaalida ee dalkaas, lamana oga inta ay gaari karto saameynta ay dareemi doonaan shacabka halkaas ku nool.