Safiirka cusub ee Maraykanka oo warqadaha aqoonsiga looga gadoomay goobta loo ekeysiiyay Villa Somalia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Mudane Larry André.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Munaasabadda waraaqaha aqoonsiga looga guddoomayay Safiirka ayaa ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha, iyadoo goobta loo ekeysiiyay Villa Somalia, si KMG ahna loo suray sawirkii Madaxweynihii u horreeyay Soomaaliya Aadan Cadde.