Safiirka Mareykanka oo shaaciyay go’aan kale oo la xiriira dib u dhaca doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador André ayaa sheegay in haddii la tixgelin waayo ballanta ah in doorashada lagu dhameeyo maanta(March 15) magacyo la raacin doono liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka.

Safiir André oo arrintan ka hadlayo ayaa waxaa uu yiri “ Xayiraadaha dal ku galka waxaa sidoo kale sabab u ah oo keenay muddada ay doorashada u waqtiyeeyeen Golaha Wadatashiga Qaran. Markii muddeynta Golaha Wadatashiga Qaran ee (25 Febraayo) la tixgelin waayey, meel ayaan ku qorannay waxaana xayiraado dal ku gal ah la saaray shaqsiyaad dhowr ah. Haddii muddeynta kale ee Golaha Wadatashiga Qaran ee (15 Maarso) aan la tixgelin, waxaan mar labaad ayaan meel ku xusi doonnaa iyadoo magacyo la raacin doono liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka”.

André  oo ka hadlayey dadka ay xayiraadda kusoo rogeen ayaa waxaa uu yiri “Xannibaadyada ku aaddan dal ku galka Mareykanka waxay quseeyaan dadka aan aamminsan nahay inay kaalin ku leeyihiin cuuryaaminta geeddi socodka dimuqraaddiyadda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dadka ku lugta lahaa rabshadihii ka dhanka ahaa  dibadbaxeyaasha, xarigga caddaaladda ka fog iyo cabsi gelinta saxafiyiinta iyo xubno ka tirsan mucaaradka iyo ku tagrifalka geeddi socodka doorashada, sidoo kale xayiraaddu waxay taabaneysaa qaraabada shaqsiyaadkaas”.

Safiirka Mareykanka Larry André oo ka hadlaya in siyaasiyiinta iyo maamulka jira ku guuldareysteen heshiiskii cahdiga KMG ahaa, isla markaana ay khatar geliyeen dalka ayaa waxaa uu yiri “Dadka Soomaaliyeed badankood waxay dhibaato xooggan ka soo gaartay rabshado socday in ka badan 20 sano kaddib qaran burburkii dhacay sannadkii 1991. Waxaan ognahay in dib u soo kabashada Soomaaliya ay ka billaabatay markii la meelmariyey dastuurka ku-meel-gaarka ah sannadkii 20212, taas oo ka dhalatay shirir nabadeed oo isdaba joog ah oo caalami ah kuwaas oo la qabtay sannado badan. Illaa iyo sannadkii 2012 nidaamka lagu dhisay dastuurka ku-meel-gaarka ah wuxuu billaabay inuu qaado tallaabooyin waaweyn oo ku aaddan xasilloonida Soomaaliya”.