Safiirka Qatar oo qirtay arrin Soomaaliya ku saabsan oo qarsooneyd

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safiirka dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho Xasan Bin Xamza ayaa sheegay in xiriirka adag uu ka dhaxeeya dowladda Qatar iyo Soomaaliya waxana uu qirtey danjiraha in taageero ciidan ay siiso dowladiisu Soomaaliya.

Danjiraha oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA, ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Qatar uu qeyb ka qaadan doono sii xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.

“Qatar waxa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan oo ay ka mid tahay maalgelinta waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar, mashaariicdan waxa ay faa’iido u yeelan doonaan guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto goobaha wax soo saarka leh iyo suuqyada caasimadda.”ayuu yiri safiirka Qadar ee Soomaaliya sida ay daabacday Gulf Times.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Qatar ay wakiil ka tahay Sanduuqa Horumarinta Qatar ay sidoo kale dib u dayactir iyo dib u dhis ku sameysay xarumo dowladeed oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xarunta dowladda hoose ee Muqdisho iyo machadka dublamaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyadoo ay u dheer tahay 68 gaadiidka gaashaaman oo ay ka heleen dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar in ay taageerto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dagaal kula jira argagixisada.

Dhanka Mashaariicda ugu caansan Dowladda Qatar ee hadda laga fulinayo Soomaaliya, Safiirka ayaa sheegay in dhanka horumarinta ay Sanduuqa Horumarinta Qatar ku howlan yihiin dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo dhererkeedu dhan yahay 90km.

Danjire Hashem ayaa ku nuux nuuxsaday in madaxda labada dal ay ka dhaxeyso xiriir iyo wada shaqeyn heer sare ah, isagoo tilmaamay in Qatar ay door muhiim ah ka ciyaartay xakameynta xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, dhexdhexaadintii ay garwadeenka ka aheyd Qatarna lagu guuleystay. dib u soo celinta xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.