Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Serbia Oo Warqadaha Aqoonsiga Laga Gudoomay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, xiriirka labada dal ayaa soo bilowday Sanadka 1960 bishii October. Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan iyo sida Soomaaliya ay uga soo kabanayso mudadii ay Dowlad la’aanta aheyd.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa ahaan jiray mid aad u wanaagsanaa ka hor inta aysan Dowladda dhaxe ee Soomaaliya aysan burburin, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer, hadda ay Serbia diyaar u tahay xoojinta xiriirka soojieenka ahaa. Iyadoo ganacsato iyo arday badan ay ka faa’iideysan doonaan calaaqaad labada dal.