Sanduuqa Horumarinta Afrika oo Soomaaliya u saxiixay $5.4 milyan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sanduuqa Horumarinta Afrika, oo hoos yimaada Bangiga Horumarinta qaaradda Afrika (AfDB), ayaa ansixiyay $5.4 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo barnaamijyada sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee AfDB ee Bariga Afrika Ms Nnenna Nwabufo ayaa sheegtay in lacagtan ay wax ka tari doonto saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta ka dhalatay colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay haqabbeelka cuntada ee dalka Geeska Afrika.

Lacagtan ayaa dheeraad ku ah yabooh Isniinta ka yimid Samantha Power, oo ah maamulaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAid) oo ahaa hay’addu ay bixin doonto $1.3 bilyan oo kale oo gargaar bini’aadantinimo iyo horumarineed oo muhiim ah si ay uga hortagto gaajada iyo dhimashada tirada badan ee Soomaaliya.

“In ka badan 18 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah, oo ay ugu horreyso kuwa ay sidda ba’an u saameysay abaarta Soomaaliya,” ayay raacisay.

Gudaha Soomaaliya 7.1 milyan oo qof oo ku dhow kala bar tirada guud ee dadka Soomaaliyeed ayaa wajahaya heerar taariikhi ah oo abaareed iyadoo ay u badan tahay in ay u gudbaan macluul dilaa ah.

Masiibadaan ayaa waxaa sabab u ah dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo soo gaaray saddex sano oo xilli roobaad ah oo ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Urur Goboleedka IGAD, Hay’adda Cunnada Adduunka iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga yaabo in sanadkan ay macaluul soo wajahdo 300,000 qof.

Dadkaas ayaa ku nool Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, sababo la xiriira abaaro iyo colaado. Warbixintan Jimcihii la daabacay ayaa xuseysa in ugu yaraan 51 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay cunto yari soo food saartay sanadka 2022-ka..