Saraakiil loo tababarayo Sugida Amniga doorashooyinka

BAYDHABO-AYAAMAHA-Baydhabo waxaa Maanta tababar looga furay Saraakiil Ciidan oo loo tababarayo sugida Amniga doorashoiyinka.

Saraakiisha oo ka tirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa munaasabadda lagu furayay Tababarka waxaa ka qeyb galay mas’ uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Tababarka ayaa waxaa Saraakiisha lagu barayaa Xaqiijinta Amniga Goobaha Doorashooyinka lagu qabanaayo, waxaana mas’uuliyiinta ka qeyb galay tababarka ay Saraakiisha tababarka qaadaneysa ay fareen inay si wanaagsan  qaataan.

Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbedd ayaa waxaa ay sheegeen in saraakiishaan ay yihiin kuwii sugi lahaa amniga Goobaha lagu qabanayo doorashaooyinka, isla markaana ay muhiim tahay inay si wanagsan tababarka u qaataan.

Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo tababarka bixinaayay ayaa sheegay inau joogteyn doonaan tababarka la siinayo Ciidamada Booliska ku sugan Magaalada Baydhabo, si ay u dardar geliyaan howlaha sugida Amniga Guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.