Saraakiisha Ciidamada Puntland oo looga yeeray Golaha Wakiilada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha Wakiilada Maamulka  Puntland ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Garoowe waxaa qaar kamid ah Xildhibaannada ay ka cawdeen inay ishor-istaag kala kulmeen qeybaha kala duwan ee Ciidamada Maamulkaas.

Xildbibaano uu kamid yahay Xildhibaan Xaraf ayaa waxaa ay sheegeen in iyaga oo howlo Shaqo kujira ama Bulshadooda u adeegaya la xayiray, isla markaana Ciidamada aysan ilaalin xasaanada uu leeyahay qofka Xildhibaanka ah.

Guddooniyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kal-fadhiga 16aad ay Golaha Wakiilada horkeeni doonaan dhamaan Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland si wax looga weeydiiyo ilaalinta xasaanadda Xildhibaannada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay soo noq noqatay arrimaha ku saabsan xayiraada ay Ciidamada mararka qaar ku hayaan Ciidamada, wuxuuna sicad u sheegay in qof walba fikirkiisa uu xor u yahay.

Cabashadaan kasoo yeertay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka dambeeysay kadib markii dhowr jeer Shaqooyin iyo howlo kale oo u gaar ahaa laga hor-istaagay Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland.