Saraakiisha NISA iyo Booliska gobolka Hiiraan oo looga yeeray magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ugu yeertay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle & Taliyaah Ciidanka NISA ee Gobolka Hiiraan Colaad Dalabeey kadib markii lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen ka hortegida weerarada Al-Shabaab.

U yeeritaanka labada taliya ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan uu ku eedeeyay iney ka gaabiyeen waxka qabashada Amniga, isla markaana dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in tallaabo laga qaado waxna laga weeydiiyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne 3-dii bishan Oktoobar.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa taliyayaasha NISA iyo Booliska Hiiraan ku eedeeyay in aay gabeen doorkoodii sugidda amniga Beledweyne iyo wax ka qabashada dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Beledweyne waxa aay kamid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee Qaraxyada khasaaraha badan ka dhasheen ay ka dhaceen isla markaana aan weli la arag cid laguga xisaabtamo ama qaadda masuuliyadda qaraxyadaasi, balse waxaa hadda muuqata isla xisaabtan iyo in la helo cid qaada masuuliyadda waxa dhacay.