Sareere Guud Bashiir Goobe oo Wasiir dowle lagu sasabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Bashiir Goobe ayaa la filayaa inuu xilkan la wareego kaa oo horay Ra’isul wasaaraha uu ugu magacaabay Taliyaha NISA balse ku baxay heshiiskii Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble wada gaareen.

Heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Wasiir dowle loo Magacaabo Bashiir Maxamed Jaamac.

Bashiir Goobe ayaa loo arkaa qunyaro socod siyaasadda Soomaaliya ku dhex jiray 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Dhanka kale waxaa xusid mudan inuu kamid yahay shaqsiyaadka dhaw dhaw ee RW Rooble xiriirka la leeyahay.

Wasaaradda howlaha guud ayaa hadda leh wasiir iyo wasiir ku xigeen.