Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Isgoyska Seybiyaano ee Maaalada Muqdisho ayaa rag hubesan waxaa ayy maanta kudileen Sarkaal katirsan Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Garaseey (Sheekh Cajaa’ib) ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu watay Gaari nooca raaxada ah, Isla markaana uu khudaar ka iibsanayay Suuqyaraha Seeybiyaano ee degmada Hodan Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalka ay goobta ka baxsadeen, iyaga oo horay u sii qaatay Bustoolad iyo Copmuter laptop ah oo uu watay.

Ciidamo katirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aan dad lagu qaban howlgalladaas.