Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Deyniile ayaa rag hubeysan waxaa kudileen Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed , iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Sarkaalka oo lagu Magacabi jiray Cali Xasan Siyaad (Cali tariin) ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa agagaarka Xerada Ciidamada ee Saban Saban ama (77), taas oo u dhow Aargada degmada Deeyniile.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in raga Sarkaalka dilka u geystay ay ka qaateen bustoolad u watay, waxaana goobta tegay ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo meydkiisa geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista e CID-da.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, hayeeshee aysan jirin dad ilaa iyo hadda loo qabtay dilka loo geystay Sarkaal katirsan ciidanka Booliska.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka loo geystay Saraakiisha iyo Ciidamada kala duwan ee dowladda, dilalkaas oo mas’uuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al-Shabaab.