Sarkaal Katirsan Milateriga Soomaaliya Oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Sh/dhexe.

JOWHAR-AYAAMAHA-Dagaal u dhaxeeya Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka dhacay degaanka Warciise oo duleedka ka ah magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa dagaalka iyo askar kale ayaa ku dhintay Qarax haleelay gaari ay saarnaayeen, sidoo kale Al-shabaab ayaa dagaalka looga dilay dagaalamayaal waxaana looga qabsaday qaarna looga gubay ilaa 4 gaari.

Al-shabaabkii soo weeraray Warciise oo maalmo ka hor laga qabsaday ayaa dib u gurtay waxaana aagga dagaalka ku sugan taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Maalmihii  lasoo dhaafay ayaa degaanadaasi waxaa ka socday dagaallo xooggan oo ciidanka xoogga ay kula jireen Shabaan.

koneel Maxamed CabdiWaaxid ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo dadaal badan wuxuu si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka.