Sarkaal katirsanaa Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay.

AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa  Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee kusugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ,

Abshir wuxuu Alshabab ku jirey Mudo Kudhow Labo Sano wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Xisbiyada , isagoona sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab ka soo baxo ay tahay Dhibaatada iyo go’odoonka ay Shacabka ku hayaan Nabadiidka Alshabab sida uu hadlaka u dhigay.

Wuxuuna Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee Ku Jira Nabadiidka Alshabab in ay isaga soo tagaan ay isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda .

Ma ahan markii ugu horreysay ee nin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiiba dowladda, iyadoo horey sidan oo kale ay isku soo dhiibeen dagaalamayaal katirsanaa Al-Shabaab.