Sawir ay wada galeen Putin iyo Macron oo baraha bulshada maadeysi ka dhex abuuray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sawir laga qaaday Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin iyo dhiggiisa Faransiiska Emanuel Macron oo kursi dheer labada cirif ka fadhiya ayaa hadal heyn aad u weyn ka dhex abuuray baraha bulshada. Labada madaxweyne ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wada hadlaan xiisadda Ukraine.

Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah ayaa sawirkaasi siyaaba kala duwan u fasiray iyaga oo baraha bulshada gaar ahaanna Twitter-ka fasiraadda kala duwan ee sawirka ka qaateen ku baahiyey.

Qaar kursiga labada madaxweyne ay wada fadhiyaan waxay ku tilmaameen kursi la mid ah diyaarad iyaga oo tilmaamaya kursiga inuu weyn yahay ayna ka habbooneyd kursi labada madaxweyne isku soo dhaweynayo ay wada fariistaan.

Vladimir Putin ayaa maadeysi xooggan kala kulmay Kursiga dheer ee ay ay isaga iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay labada dhinac ka fadhiyaan.

Dadka qaar sawirka aqalka looga arrimiya Ruushka ee Kirimilin ay labada madaxweyne ku wada galeen ay ku tilmaameen mid muujineyso xilka ay labada madaxweyne iska saareen iney u hoggaansamaan sharciga kala fogaanshaha ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka fayraska Covid-19.

Halka qaarna ay ku tilmaameen iney kala fogaanshaha cudurka la xiriira uu muujineyn balse sawir dhab ah uu ka bixinayo Moscow iyo reer galbeedka sida ay siyaasad ahaan u kala fog yihiin.

https://twitter.com/i/status/1490805566100455426