SAWIRRO:-Wasaaradda Ganacsiga oo shir u qabatay hay’adaha dowliga ah iyo Ganacsiga gaarka ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa galabta soo xiray kulan aqoon is-waydaarsi ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga, kaas oo u dhaxeeyey hay’adaha dowliga ah iyo Ganacsiga Gaarka ah, kaas oo loogga hadlaayey siddii loo xoojin lahaa maamulka hay’adaha Ganacsiyada Gaarka loo lee yahay ee dalka.

Barnaamijkan wada-hadalka hay’adaha Dowladda iyo Ganacsiga gaarka ah oo uu maal-gelinayo Midowga Yurub sidoo kale na ay fulinayso hay’adda DAI, ayaa socday muddo hal maalin ah isla-mar-ahaantaana ay ka soo qeyb-galeen wakiilo ka kala socda hay’adaha dowladda, rugta ganacsiga Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe, xarumaha hal-abuurada ganacsiga, khubaro iyo cilmi baarayaal kala duwan iyada oo halkaas lagu wadaagay khibrad iyo aqoon sare looggu qaadi karo lagu na xoojin karo maamulka hay’adaha gaarka ah.

Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe Mudane Ibraahim Ciise Dheere, ayaa sheegay in ururada ganacsiyadu ay taariikh soo jireen ah ku lee yihiin dalka sidoo kale na ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya isaga oo carabka ku dhuftay in ka dawlad ahaan ay mudnaan gaar ah u lee dahay siinayaan siddii loo xoojin lahaa jiritaankooda.

Mudane Khaalid Xasan oo ka socday hay’adda DAI ee Soomaaliya oo ah hay’adda fulinaysa barnaamijkan, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey, waxa uu dawladda u soo jeediyey inay taageerto ururada ganacsiyada gaarka ah si wadanka loogga suurto-geliyo deegaan ku habboon Maal-gashiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo halkaas khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in barnaamijkani uu dariiq u furi doono siddii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka ah gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo maal-gashiga int aba. Isaga oo sidoo kale na u mahad-celiyey Midowga Yurub oo maal-gelinaya Barnaamijkan iyo hay’adda DAI oo iyadu na hir-gelintiisa leh.