Saxafiyiin Katirsan TV-ga Aljazeera Oo Taleefannadoodii La jabsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Koox saxafiyiin ah oo ka tirsan telefishanka Al Jazeera ayaa la sheegay in la jabsaday aaladahoodii, kaddib markii loo adeegsaday qalab basaasid ah oo ay soo saartay shirkadda Israel laga leeyahay ee NSO Group, sida ay sheegeen baadhayaal dhanka amniga internetka ah.

Faahfaahinta shaqaalaha la bartilmaameedsaday ayaa gaadha 36 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha caadiga ah, oo ay ku jiraan weriyayaasha wararka akhriya TV-ga iyo maamulayaasha, ayaa lagu daabacay warbixin ay soo saartay Citizen Lab oo ka tirsan Jaamacadda Toronto.

Waxaana warbixinta lagu sheegay nuglaanshaha barnaamijka softiweerka ee ka hawlgala iPhone ayaa fudaydiyey, maadaama uu ahaa noocan dhawaan shirkaddu soo saartay kii ka horreeyey.

NSO Group, oo ah shirkadda lagu eedeeyey ku lug lahaanshaha falkan ayaa beenisay eedaha loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in “aysan hayn wax caddeyn ah”.

Baadhayaasha Citizen Lab ayaa sheegay inay ku soo gabagabeeyeen warbixintooda “kalsooni dhexdhexaad ah” ay ku qabaan in labada nin ee weerarka soo qaaday oo basaasayey taleefanada saxafiyiinta Aljazeera ay u shaqaynayeen dowladaha Saudi Arabia iyo UAE.

“Taleefoonnada ayaa la waxyeelleeyey iyadoo la adeegsanayo silsilad wax isdabamarin ah oo aan ugu magac darnay Kismet,” ayay cilmi-baadhayaashu qorayaan.

Bishii Luulyo 2020, Kismet wuxuu ahaa weerar hal maalin ah – taasoo la micno ah in Apple aan loo maleyn karin cilladda – waxayna ka shaqeysay ugu yaraan iOS 13.5.1, waxaana la jabsan karaa Apple nooceeda iPhone 11, oo ahaa qaabkii ugu dambeeyay waqtigaas uu falkani dhacayey.

Citizen Lab waxaa markii ugu horeysay lagu soo wargaliyay howlaha basaasnimo ee ka dhalan kara taleefoonada saxafiyiinta markii uu la soo xidhiidhay Tamer Almisshal, oo ah filim sameeye dhanka baadhitaan ka ah oo ka tirsan Al Jazeera.

Mr Almisshal wuxuu muujiyay walaac ah in iphone-kiisa la jabsaday sidaa darteedna waaxda shaybaadhka ee Citizen uu u ogolaaday inay la socdaan dhaqdhaqaaqa aaladdiisa.