Senator-kii labaad ee kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ergada doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Senatorkii labaad ee kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku doortay Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Senator Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyay ee laga doortay Hoolka Afisyooni islamarkaana kasoo gala Gobalada Waqooyi.

Waxaana tanasulay Musharaxii la tartamayay oo habeen hore la siiyay shahaadada mushataxnimo.

Doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Ergada doorashada ayaa Saalax Axmed Jaamac  u doortay inuu mar kale kamid noqdo Senatorada Somaliland ku matelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 29 Cod.

Musharaxii kale ee Saalax Axmed la tartamayey oo ahaa Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa isna helay 12 Cod, halka ay ha laabeeen 5 Cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga maamulaya doorashada Somaliland.

Doorashada kursiga saddexaad oo daqiiqado kahor bilaabatay ayaa waxaa ku tartmaya Saddex Musharax oo kala ah Prof Maxamed Maxamuud Alla Bari, Prof, Cabdi Ismaaciil Samatar iyo C/raxmaan Cismaan Cali.