Senatorada Cabdiqeybdiid iyo Cabdi Cusmaan Xareed oo lagu doortay Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Doorashada labo xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana u codaysay 83 Xildhibaan.

Tilaabadaan ayaa timid ka dib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayay oo markii hore la ogaa in uu yahay musharax aan rasmi aheyn.

Sidookale Cabdi Cusmaan Xareed ayaa ku guuleystay kursiga Senatornimo ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa cod gacan taag ah oo wada ogol ah ugu codeeyay Cabdi Cusmaan Xareed.