Senatorkii shalay laga reebay liiska Musharaxiinta Aqalka sare oo Afka Furtay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee shalay uu kusoo darin liiska u tartamayaasha doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay sababta tartanka looga reebay.

Hoos ka akhriso:

Bismillaahi,

Marka Koowaad mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatey, marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan taageerada iyo dhiirigelinta ay ila garab istaagnaayeen.Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa shacabka Koonfur Galbeed oo aan ku matalayay Aqalka sare muddo xileedkii la soo dhaafay. Insha Allah waxaa la gaari doonaa waqti rabitaankiinu shaqeeyo kuna doorataan matalayaashiina siyaasadda.

Muddadii aan u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxaan ku dadaaley wixii karaankeyga ah inaan si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, anigoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal. Dadaal weyna aan ka gaystay howshaas wali qabyada ah.

Intaas ka dib, waxaan aaminsanahay Qadarta Rabbi iyo in Alle SWT uu bixiyo Mulkiga doonistiisana wax lagu helo waxna lagu waayo, haddii ay insaanka oo dhan wax kula doonaana ay ku xiran tahay un doonista Alle. Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan.

Insha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba. Waxaan uga mahad celinayaa shacabkii iyo masuuliyiintii aad u jeclaa inaan mar kale tartamo, waxaanna ugu baaqayaa inay is dejiyaan.