Senetor Jawaahir Axmed Cilmi oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber

Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Wafdigaan ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).