Shacabka Kenya oo maanta dooranaya Madaxweyne cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cod bixiyeyaasha dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha ay yaallaan sanduuqyada doorashada si ay u doortaan Madaxweyne cusub oo baddala Uhuru Kenyatta.

Maamulka Kenyatta ayaa soo afjarmaya kaddib markii uu dhammaystay labo muddo xileed oo isku ah toban sano.

Qiyaastii 22 million oo qof ayaa codayn doona sida uu sheegay guddiga doorashada.

Madaxweynaha kursiga bannaynaya ayaa doorashada ku garab taagan siyaasiga muddada dheer mucaaradka ku ahaa – ahna Raysul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, isagoo kasoo horjeeda madaxweyne ku xigeenka, William Ruto.

Mr Ruto oo ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad ayaa aroortii hore ee saaka u kallahay inuu codeeyo, isagoo sheegay in sababta uu waqti hore codkiisa u dhiibtay ay tahay si uusan u ciriirin deriskiisa.