Shacabka Somaliland Oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashada

HARGEYSA-AYAAMAHA-Maamulka Somaliland ayaa saaka ka billaabatay doorashadda Xildhibaanada baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha Degmooyinka.

Dhammaan goobaha cod-bixinta ayaa furmay saacadihii loo qorsheeyey kormeerayaal ayaa jooga dhammaan goobaha muhiimka ah.

Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka goobaha codbixinta, mana jiraan isku socodka magaalooyinka.

Dadweynuhu codkooda ayay ku hubsanayaan Sanduuqa Cod-bixinta, aad ayay usoo baxeen shacabka magaalooyinka Somaliland.

Doorashada ka dhaceysa deegaanada Somaliland ayaa waxaa ku baxaya Qarash dhan ah 25 malyan oo dollar, waxaana Somaliland ay bixineysaa boqolkiiba 80, halka Midowga Yurub iyo Taiwan ay bixin doonaan 20 boqolkiiba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka ugu baaqay inay si nabad ah u dhiibtaan codadkooda, wuxuuna dhalinayarada ka dalbaday inay si gaar ah isaga xil saaraan amniga, lana shaqeeyaan hay’addaha amniga.

Tanni waa dhacdo Taariikhi ah, Geeska Afrika dalalka kuyaala Doorashooyinkooda hubinti la’aan ayaa hareysay, deriska halka qaarkood waa Kaligii Taliyayaal xukunka kuraagay mudo dheer, qaarna mucaaradka wey diideen Xalaalnimada doorashada.