Shahaado siinta Xildhibaanada cusub oo maalintii 5-aad socota.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii shanaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada bixinta shahaado siinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kusoo baxay doorashooyinka.

Guddiga doorashada ayaa Maanta oo Arbaco ah shahaado siiyay 7 Xildhibaan oo kala ah:-

1. Samira Maxamud Haji AS#51
2. Saynab Ismail Mohamed AS#45
3. Mohamed Abdi Osman AS#49
4. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
5. Farhan Ali Hussein AS#47
6. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
7. Mohamed Farah Nur GSH#192.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku boorriyey Xildhibaanada aan wali qaadan shahaadada Xildhibaanimo inay dhowraan Jadwalka dhammeystirka Doorashada dalka, isla markaana ay yimaaddaanna Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel, si ay u qaatan Shahaadadaxi

Waxaa weli harsan Xildhibaano iyo Senataro kale oo qaadanaya Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhowaan lasoo gabagabeeyo inkastoo Maamulka Koonfur Galbeed ay xiriirka u jireen Xukuumada Rooble.