Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo weli ka socota Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalintii 11aad Magaalada Muqdisho waxaa ay ka wadaan Shahaado siinta   Xildhibaannada dooran ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaankii ugu horreeyay ee Maanta Shahaadada la siiyay ayaa waxaa uu noqday Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle ee laga soo doortay degaannada Jubbaland kuna soo baxay  kursiga Hop#082.

Guddiga ayaa sii wadi doono Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal, iyada oo Maalinta berito ah qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in teendhada Afisiyooni lagu dhaariyon  Xildhibaannada labada Aqal ee Shahaadada la siiyay.