Shaki iyo muran badan oo ka dhashay gantaalkii Hindiya ka qaldamay ee ku dhacay Pakistan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbaahinta dalalka Pakistan iyo Hindiya ayaa si weyn u hadal haya sheekooyinka ku saabsan dhacdadii dhowr maalmood ka hor uu gantaal khaldamay ugu dhacay Pakistan.

Gantaalka oo qarax weyn dhaliyay ayaa ku dhacay degmada Channu, sida ay saraakiisha Pakistan ku warrameen.

Hindiya ayaa sheegtay in gantaalkaas uu kasoo fakaday kaddib markii ay cillad farsamo qabsatay. Balse su’aalo badan ayaa hareeyay dhacdadan sida ay ku warrameen warfidiyeennada maxalliga ah. Dadka qaar ayaa isweydiinayay waxa dhici karay haddii meesha uu ku qarxay ay ahaan lahayd magaalo weyn.

Shuruucda dhinaca gaashaandhigga ee caalamka waxay dhigayaan in shey kasta oo hawada waddan uga soo gudba waddan kale uu yahay weerar. Haddii ay dhacdo in gantaal uu yahay shegaasna, waxaa khasab ah in uu aargoosi dhaco.

Sidaas awgeed Pakistan ayaa lagu ammaanay in ay qaadatay go’aan xikmadeysan oo aysan ku fal celinin wax tallaabo militeri ah, xilli la og yahay in labada waddan ay ka dhaxeyso colaad soo jireen ah oo wax kasta ay kicin karaan.