Shaki ku gadaamin dhallinyaradii maanta lagu laayey xerada Jaale Siyaad iyo tirada dhimashada oo korortay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dood adag ayaa ka dhalatay qaraxii manata lagu laayey ciidamo katirsanaa xoogga dalka gaar ahaan ururka 14 Oktoober oo dhawaan tababar laga keenay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in tirada ciidamadii ku geeryooday qaraxii maanta ka dhacay Xerada Jaalle Siyaad ee magaalada muqdisho ay gaartay ku dhawaad 45 Ciidamo ah iyo dhaawaca oo kor u dhaafay 70.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegtay qaraaan ayaa bartooda ku baahiyay in 74 askari ay dileen 124 kalena ay dhaawaceen. Welina dhanka dowlada wax war ah lagama soo saarin.

Goobta qaraxa ka dhacay oo ah Kulliyada Jaalle Siyaad oo ka mid tahay kulliyadaha ciidan ee ugu magaca weyn dalka ee lagu leyliyo saraakiisha ahna goobta ku taala meel aad loo ilaaliyo in qarax gudaha lala galo hadane ciidanka dhexdiisa la isku qarxiyo ayaa dad badan waxay aaminsan yihiin wax laga soo shaqeeyey.

Waxyaabaha shakiga dhaliyey ayaa ah in dhalinyaradan maanta qaraxa lagu laayey ay dhamaantooda ka yimaadeen magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sidookalena ay ahaayeen hal beel oo ah Beesha Biyamaal.

Beesha Biyamaal ayaa waxay  ku doodayan in dhalinyaro ciidanka beeshooda ay si gaar ah qarax loola eegtay looguna talagalay  in qaraxaas lagu laayo.

Khubarada amniga ayaa tilmaamaya in qofka xiran jaakada qaraxa uu ka duwan yahay dadka kale caadiga ah waxaana lagu gartaa inuusan laafyoon karin socodkana aan boobsiin karin, sidaas darteedna loo fududeeyey inuu galo xirada.