Shaki laga qabo in Al-shabaab weli kujiraan Hoteel Xayaat

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jabiyeen xubnihii katirsanaa Ururka Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday hotelka Xayaat ee  ku yaalla caasimadda, kadib dagaal dhiig badan ku daatay.

Ugu yaraan ku dhawaad 40 qof ayaa ku dhintay gulufkaasi oo socday muddo 30-saacadood ah, inkastoo warbaahinta gudaha ay sheegayso in dhimashadu ay intaas ka badan karto.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in saaka oo Axad ah ay dagaalyahanooda ka dhex dagaalamayaan hotelka, isla markaana ay iska difaaceen weerar uga yimid dhanka Ciidanka dowladda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ay ku sheegayaan in lasoo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Xayaat, in kastoo xalay ay istaagtay rasaastii laga maqlay gudaha hotelka ku yaalla Isgoyska KM-4.

Hoteelka ayaa si xooggan u burburay ka dib markii habeenkii Jimcaha iyo Sabtidii ay ciidamada ammaanku ku duqeeyeen bambaanooyin xooggan, iyadoo muuqaallada laga soo duubay ay muujinayaan holac iyo qiiq ka baxayay saqafka sare ee hoteelka.