Shan sano ka hor maanta oo kale markii xilka la wareegay Farmaajo iyo dhacdooyinkii ugu xumaa ee la diwaan geliyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbixintaan kooban ayaan ku eegeynaa shan sano kadib maanta oo ka hor markii uu xilka la waregay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukunka Dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wareejiyey xilka Farmaajo markaas oo munaasabad ballaaran lagu qabtay Villa Soomaaliya.

Taariikhda madoow ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in dhacdooyin badan la diin waan geliyey inta uu xukunka hayey oo ay ku jiraan dhiibistii Qalbi dhagax,dagaalkii Imaaraat-ka lala galay sabab la’aan,Kenya oo ay la colowday Soomaaliya dano gaar ah oo itoobiya ka dhaxeeyo iyo dilkii Ikraan tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa sidoo kale loo heystaa inuu wax ka ogaa dilkii loo geystay Gudoomiyihii gobolka banaadir AUN C/raxmaan Cumar Yariisoow,weerarkii murashaxiinta mucaaradka,Madaxdii hore ee dalka oo hoteel lagu xabadeeyey 2021-kii & is hortaag lagu sharaf dilay xilli ay ka duuli rabeen garoonka muqdisho iyagoo kusii jeeday Kismaayo 2019-kii.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo maka hari doonaan taariikhdaasi madoow,iyadoo mar kale uu doonayo in xukunka dalka kusoo laabtay?