Shaqaalaha Dowladda oo lagu waajibiyey inay qaataan Talaalka COVID-19

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS oo daahfuray talaalka ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dowlada Soomaaliya ay Waajib ku tahay inay qaataan talaalka Cudurka Covid 19 maadaama looga baahan yahay inay si joogta ah u shaqeeyaan.

Kullankan oo lagu daah-furayay Talaalka Covid19 ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo ay si wadajir ah uga soo wada qeyb galeen Wasiiradaha Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

Hirgalinta qaadashada Talaalka ayaa waxaa iska kaashan doona Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada iyo guddiga Shaqaalaha Rayidka.