Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo la fasaxay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka hore ugu hambalyeeysay Bulshada Soomaaliyeed toddobaadka xorriyada  oo weli lavu guda jiro.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in la fasaxay  dhammaan Shaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah Maalinta Khamiista ah oo ku beegan 1-da Luulyo.

Tallaabadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid loogu dabaal degay munaasabadda 1-da luulyo oo ah markii Gobolada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii labada Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.