Shaqadii ugu horreysay ee Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu maanta qabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray goob ay Haweenka Soomaaliyeed kusoo bandhigeen cuntooyinka kala duwan ee dalkeena ka baxa iyo sidoo kale agaybya ka turjumaya astaamaha Hidaha iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Guddoomiye Madaale oo ay kormeerkan ku wehlinayeen gudoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Xildhibaano katirsan BFS, iyo Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa haweenkii goobta isugu yimid ku dhiirigaliyay sida ay had iyo jeer uga go’an tahay horumarinta bulshada, iyo Nabada.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa loo arkaa mid wax ka qaban karo dhibaatooyinka ka jira Gobolka, sida amni darada, biyaha iyo wasaqda yaala wadooyinka iyo canshuurga laga qaado dadka gobolka ee hadana aan waxba looga qaban.