Shaqo Ka Joojin lagu sameeyey Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa shaqadii laga ga joojiyey Maareeyahii guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre, waxaana xilka Maareeyenimo ee hay’addaas si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona Maareeye ku xigeenka hay’addaasi.