Sharci ma u leeyahay madaxweynaha dib-u-dhigidda wax ka badalidda dastuurka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa 27 bishan ku ekaa dhameystirka hwolaha dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo waqtigiisa uu dhacayo. Dastuurkan ayaa waxay ahayd in baarlamaanka imika jooga ay dhameystiraan ka hor inta aan afti dadweyne loo qaadin.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa shalay waxaa uu soo saaray xeer madaxwayne oo lagu dib dhigayo ansixinta wax ka badalidda dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad,” ayaa lagu yiri qoraalka k soo baxay xafiiska madaxwaynaha.

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la sheegay dhaqan galaya 24-kii, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta Rasmiga.

Go’aanka madaxwaynaha marki uu soo baxay ayaa waxaa ka hadlay madax kala duwan oo iyagu dhaliilay tallaabada madaxwaynaha.

Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdulahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha uu ” jabiyay waajibaadka Dastuuriga ah”.

Mr Xaanshi ayaa farta ku fiiqay in talaabadda madaxwaynaha ay tahay mid halis galinaysa” Jiritaanka dastuurka”.

“Madaxwaynaha wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo halis galinaysa jiritaanka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda fedaraalka Soomalaiya, isaga oo si ula kac ah u sameeyay xagdgudubyo, ” ayuu yiri Mr Xaanshi.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdulahi ayaa intaa ku daray in madaxwaynaha uu horistaagay xil gudashada baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.

” Hor-istaagidda xil-gudashada baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya kaasi oo u xil-saaran dib u eegis, ansixinya iyo wax ka badalka dastuurka kumeelgaarka ah iyo qabashada afti dadwayne oo si kama dambeys ah loogu ansixiyo dastuurka kumelgaarka”, ayuu yiri Cbadi Xaanshi.

Gudoomiyaha ayaa xusay in madaxwaynaha uu baal-maray hab-raaca wax ka badalka dastuurka kumeelgaarka.

“Madaxwaynuhu wuxuu tallaabadaas ku baal-maray hab-raaca wax ka badalka dastuurka kumeelgaarka ee ku qeexan cutubka 15 ee dastuurka kumeelgaarka, ayuu intaa raaciyay.