Sharuud lagu soo rogay ajaanibta caashaqa Gabdhaha Falastiiniyiinta ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shisheeyaha tagaya Falastiin, ayaa laga dalbadey iney iska diidaan galiyaan wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil, haddii uu jacayl dhex maro mid kamid ah falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sida uu qabo xeer cusub oo lasoo saarey.

Haddii uu dhaco guur, ayaa waxaa loogga baahan doonaa inay halkaasi isaga baxaan 27 bilood ka dib, oo u dhiganta sanad iyo bar.

Waa qayb kamid ah adkaynta xeerarka shisheeyaha ku nool, ama doonaya inay tagaan, Daanta Galbeed.

Falastiiniyiinta iyo ururada aan dowliga ahayn ee Israa’iil, ayaa ku eedeeyay maamulka Israa’iil “inay ku dhaqaaqeen xayiraado cusub oo adag”.

Xeerarka cusub, ayaa lagu wadaa inay dhaqan galaan maalinta isniinta ah ee soo socota.

Xeerarka oo lagu soo gudbiyey dukumeentiyo dhaadheer, ayaa waxaa ka mid ah in loogga baahan yahay shisheeyaha inay ku wargaliyaan maamulka Israa’iil soddon maalmood gudahood, marka ay bilaabaan xiriir ama jaceyl ay la sameynayaan qof heysta aqoonsiga Falastiin.

Xayiraadaha cusub ee jaamacadaha Falastiin, ayaa waxaa kamid ah qoondeynta fiisaha ardayda ee 150 illaa iyo 100 macalimiin ajaanib ah, halka aan la xaddidayn kuwa Israa’iil.

Ganacsatada iyo hey’adaha gargaarka, ayaa sheegay in sidoo kale uu saameyn xooggan ku yeelan doono sharcigan cusub.

Sharciyadan ayaa waxay soo rogayaan dadja xaddidaad adag muddada fiisaha iyo fiiso kordhinta, iyadoo tallaabadani ay ka hortageyso dadka inay si mutadawacnimo ah uga shaqeeyaan Daanta Galbeed muddo ka badan dhowr bilood.