Sheekada gabar Soomaali ah oo qabsatay warbaahinta caalamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbaahinta  Caalamka gaar ahaan kuwa Carabta ayaa si aad ah u hadal haya sheekada gabar Soomaali ah oo dishay nin u dhashay wadanka Masar kaasoo isku dayay inuu gabadha u geysto fal kufi ah, iyadoo uu dhexmaray gacan ka hadalka ugu dnabeyn geeerida isu bedelay.

Gabadhan ayaa booliska wadankaasi u sheegtay iney iyada gacanteeda ku dishay ninkan oo ku waday mootada Tuk Tuk looga yaqaano dalkaasi, waxeyna sheegtay iney dhowr jeer u dirtay fariin ah inuu ka istaago, taasoo uu ka dhega fureystay.
Sida uu qoray wargeyska Al-Masry Al-Youm, dhacdadan waxey ka dhacday gobolka Giza, waxeyna gabadha dilka kadib ay tagtay Saldhiga Booliska ee Sitta October , iyadoo uu la socday Qareen xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee dalka Masar.

Xeer ilaalinta guud ayaa amartay in la sii daayo gabadhan inta laga sugayo baaritaanka dilka loo geystay darawalka, iyadoo 4 maalin lagu hayay xabsiga, waxeyna ninka ku dishay mindi uu ula soo baxay oo ay ka galisay Kilida Bidix.

Dalka Masar waxaa ku badan dhibaatooyiinka la xariira tacadiga dhanka jinsiga iyo waliba kufsiga gaar ahaan kuwa ka dhex dhaca gaadiidka dadwaynaha.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, 9 ka mid ah tobankii dumar ah ee Masar ayaa loo gaystay faraxumayn, waxaana caasimadda Masar hore loogu tilmaamay inay tahay meesha ugu khatarta badan adduunka ee ay haween ku noolaadan..