Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey in Al shabaab lagala shaqeeyay weerarkii ciidamada ee Jalle Siyaad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa banaanka keenay tuhunka la xiriira in kooxda Al-Shabaab lagala shaqeeyay weerarkii shalay ay ku dishay 30ka askari ee ka dhacay gudaha xerada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Kusimaha madaxweynaha Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xerada qaraxa uu ka dhacay aysan aheyn mid sahlan in la iska tago oo la iska galo, waxa uuna shaki ka muujiyay in qaraxaasi loo fududeeyay ninkii isku dhax qarxiyay ciidanka.

Isagoo si carro leh uga hadlayay weerarkaasi waxa uu tilmaamah in masuuliyad darro weyn ay ka dhacday xerada qaraxa ka dhacay, waxa uuna sheegay in khaa’imiin ciidanka ka tirsan in uu uga shakisan yahay in weerarkaasi fududeeyeen

”Khaa’imiin in weerarka fududeeyeen shaki weyn ayaa iiga jira, wax loo dulqaan karo maahan waxii dhacay, ciidan marka ay cusub yihiin waxaa dhici karta in argagaxisada ay kusoo dhax darsan karaan shardawadayaal, balse ciidan aan cusboon oo hal guuto u badnaa ahaana kuwa inta badan is yaqaano suurto-gal maahan qof inta iska soo dhax galo is qarxiyo arrintaas shaki weyn ayey abuurtay ” Ayuu yiri Aadan Madoobe oo muuqaal uu soo duubau warbaahinta loo qeybiyay.

Laamaha amaanka ayuu ka dalbaday iney si deg deg ah u baaraan dhacdadan oo aan la isaga hari doonin, wuxuuna quus ka muuniyay in weerarmaasi uu niyad jabinayo ciidamadda xoogga dalka ee Shabaab la dagaalamaya.