Sheekh Rusheeye Oo Laga Joojiyey Howl Quraan Saar Uu Ka Billaabi Lahaa Gaalkacyo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa lagu sheegay in Sheekh Rusheeye uu joojiyo howlo Qur’aan saar ah uu doonayo inuu ka bilaabo Gaalkacyo, isla markaana uu halkaas dadka ku saaro Qur’aanka.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse ayaa Taliyaha Booliska Mudug ee Puntland faray inuu Sheekh Rusheeye ka joojiyo howlaha uu ku doonayo in dadka uu ku saaro Qur’aanka, isla markaana Gobolka uusan wax shaqo ka bilaabi karin ilaa iyo amar dambe.

Qoraalka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu caddeeyay in Maamulka uu xaqiijinayo ujeedka dhabbta ah ee Sheekh Cabdul-xaq oo loo yaqaano Rusheeye ee howlaha uu dadweynaha u qabanayo, arrintaasna isaga imaanayo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka.