DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay aqbaleen in fursad la siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo ciidamadooda, si ay uga baxaan gudaha Guriceel, isla-markaana loo furo waddo ay uga baxaan magaaladaasi.
Ujeedka ayaa lagu sheegay inay tahay in la siiyo Ahlu Sunna fursad ay dhaawacyada illaa shalay yaalay iyo meydadka ku qaataan, sida ay warisay warbaahinta qaranka.
Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in muddo laba saacadood oo kaliya loo qabtay Sheekh Maxamed Shaakir inuu uga baxo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
“Labo saacadood ayaa la siiyey Sheikh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalkan.
Xaaladda magaalada Guriceel ayaa weli kacsan, waxaana saaka dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhinac ah, kaas oo hadda yara qaboobay.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan ay barbar socotay duqeyn xoogan oo lala beegsaday xaafadaha ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.
Guriceel ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo culus oo lagu hoobtay, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.