Sheekh Shariif iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Garoowe

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Graoowe ee xarunta Daowlad Goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda hadda talada haysa.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Aqal Aqal waxaa Garoonka Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ujeedka Sheekh Shariif iyo Wafdiga la socda ay u tageen Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay tahay ka qeyb galka Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage, kaas oo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Madax ka tirsan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.