Sheekh Shariif oo dignin culus u diray Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax maadxweyne  Shariif Sheikh Axmed oo goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ayaa ka hadlay khilaafka xooggan eek a dhexeeya farmaajo iyo Rooble.

Shariif oo ka hadlay arrimaha taagan ee la isku khilaafsan yahay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay tallaabadii uu qaaday farmaajo ee ku aaddaneed shaqo ka joojintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble, taasi oo uu ku tilmaamay sharci darro uu ku dhaqaaqay maadxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa uu baaq u diray beesha caalamka,isagoo ugu baaqay in ay Ra’iisul Wasaaraha ku garabsiiyaan in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Waxaa uu sidookale farriin u diray Ciidanka Xoogga dalka, waxaana uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in Ciidanka loo siticmaalo dano gaar ah, aysana ku milmin arrimaha siyaasadda dalka,gaar ahaan dhinacyada is diidan.

Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu Ra’iisul wasaaraha kaga leexdo arrimaah doorashooyinka dal, maaddaama uu horay ugu wareejiyay arrimaha doorashooyinka, iyadoo uu intaa ku daray in Farmaajo uu carqalad ku hayo horay u socodka doorashooyinka dalka.