Sheekh Shariif oo ka hadlay kiiska Ikraan iyo khilaafka labada Masuul ee dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Sheekh Shariif oo saakay dib ugu soo laabtay ayaa maanta la hadlay saxaafada madaxa banaan ee dalka waxaana uu ka hadlay xasarada taagan.

Sheekh Sharif, ayaa tacsi u diray qoyska ehalada ikraam Tahliil, waxa uuna sheegay in dhimashadeeda xitaa aan la hubin Waxaana uu tilmaamay  in cadaaladda la horkeeno cidda ka dambeeysay.

Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa dul istaagay khilaafka taagan, Sheekh Shariif, ayaa sheegay in dowladnimadu ay asal u tahay sharciga oo la dhowra.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka daashay qax iyo dagaal islamarkaana ay tahay in wax laga barto wixii 30 sano dalkaan dib u dhigay isagoo hoosta ka xariiqay inaan loo baahneyn in xiisad kale la abuuro isagoo ugu baaqay in la heshiiyo.

Waxa uu Sheekh Shariif ku baaqay in la dardar geliyo doorashada isagoo xusay iney iska dhamaan doonaan arrimaha taagan.

Maamul Goboleedyada ayuu ugu baaqay iney doorashada hori u wadaan waxaana uu amaanay maamul goboleedyada Hirshabelle oo soo saaray liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.